Somalia: Wariye Hanad Ali Guuleed oo lasii daayay

Image

MUQDISHU, Somalia - Wariye Hanad Cali Guuleed, oo shalay subax kooxo hubaysan ay ka afduubteen wadada xiriirisa magaalada Muqdishu iyo Afgooye ayaa dib u helay xorriyadiisa isagoo bad-qaba.

Idaacadda Madaxa-bannaan ee Goobjooge News, ayaa saaka xaqiijisay in Wariyahaas laga helay degmada Afgooye isagoo jeebaysan.

Lama oga cid ilaa hadda ka dambaysay afduubka Guuleed oo soo saare ka ahaa Iddaacadda iyo TV-ga Goob joog.

Afduubka ayaa dhacay shalay subaxnimadii xilli Hanad uu kasoo socday Hoygiisa deegaanka Tareedishe, kuna sii jeeday xarunta Idaacadda oo ku taalla KM-5 ama Zoobe.

Hanad oo Qoyskiisa kasoo wacay Goob uusan aqoon, ayaa u sheegay in si xun ay u jirdileen kuwa afduubka u haysta, oo aan la ogeyn waxa ay ka doonayaan Wariyaha, oo Madaxa Wararka ka ah Goobjoog News.

Xaaska uu qabo Hanad Cali Guuleed ayaa shalay u sheegtay Warbaahinta Muqdishu in afduubka uu ka yimid markii xalay laga soo wacay Taleefoonkiisa gacanta, looguna caga-jugleeyay in la dilayo.

Hanad maalmihii ugu dambeeyay waxa uu ka shaqeynayay Barnaamij loogu magac-daray "Media for Aid", oo looga hadlo arrimaha gurmadka bini'aadanimada, ee loo sameynayo dadka barakacayaasha ah.

Inta badan Wariyaasha Somalida ayaa ku shaqeeya xaalad adag iyagoo dhibaatooyin kala kulma kooxaha argagixisada iyo dowladda intaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM