Somalia: Wasiir Ceymooy oo beeniyay inuu kamid ahaa dadkii lagu qarxiyay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somalia, ayaa beeniyay inuu kamid ahaa dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii labaad ee ururka Al Shabaab ku qaadeen Hotel Weheliye ee magaalada Muqdishu.

Maxamed Cumar Ceymooy, oo la hadlay warbaahinta gudaha Muqdishu, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar la isla dhexmarayay qarax kadib kaasoo ahaa in weerarka lagu qaaday baabuur uu lahaa Ceymooy.

“Aniga waan nabad qabaa, gaarigaygana waa fiicanyahay anaa watay waxna ma qabo, waxaana ku war-helay iyadoo la leeyahay wasiirkii waa dhintay, waa la weeraray iyo baabuurkiisa wax lagu dhuftay, warkaas waxba kama jiraan,”Ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay mid kamid ah Idaacada Muqdishu.

Balse, wuxuu qiray inuu kamid yahay dadka degan hotelka weheliye.

“Haa aniga Hotelka waan daganahay, balse ma joogin waqti xaadirka weerarku dhacayay, waxaana la balansanaa dhakhtar, anagoo wada joogna ayaana maqlay jugta qaraxa,”Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray wasiirka Kalluumaysiga dowladda Federaalka Somalia.

Wasiirka ayaa ku wargaliyay dhammaan shacabka Somaliyeed inuu bad-qabo islamarkaana xaaladiisu caadi tahay, wuxuuna ugu baaqay in la joojiyo wararka khaldan ee la faafiyay.

Tuhunkan ayaa yimid kadib markii afaafka hotelka lagu arkay baabuur inta badan isticmaalaan mas’uuliyiinta dowladda oo waxyeello kasoo gaartay weerarkaas, halka uu kamid ahaa shakhsiyaad degan Weheliye Hotel.

Kooxda Al Shabaab ayaa qiratay mas’uuliyadda qaraxaas, waxayna xuseen inay bartilmaameedsadeen mas’uuliyiin katirsan dowladda Somalia.

Hotelkan ayaa inta badan waxaa dega mas’uuliyiin isugu jira Xildhibaano iyo Wasiirro katirsan dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM