Somalia: Wasiir hore oo ku geeriyooday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wasiirkii hore ee wasaaradda Dekedaha dowladda Federaalka Somalia, Nuur Faarax ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, sida ay GO u xaqiijiyeen qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Nuur Faarax ayaa kamid ahaa golahii wasiirrada Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Mas’uulkan dhintay ayaa muddooyinkii dambe ku jiray xaalad caafimaad darro iyadoo la dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada Muqdishu.

Dhawaan waxaa booqday qaar kamid ah mas’uuliyiinta xukuumadda cusub kuwaasoo ALLE uga baryay inuu siiyo caafimaad taam ah.

Marxuum nuur ayaa muddo soo hayay xilkan, kaasoo usoo magacaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Qaar kamid ah saraakiisha dowladda ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkiisa iyo qoyska uu ka dhashay, iyagoo EEBBE uga baryay inuu u naxariistiisa janno ugu deeqo.

Waxaa lagu wadaa in maanta aas-qaran loogu sameeyo magaalada Muqdishu iyagoo la filayo inay duugtaas kasoo qayb galaan saraakiil katirsan golayaasha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM