Somalia: ​Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdishu ku qabatay shir ku saabsan dib u hishiisiinta

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa maanta oo Talaado ah ka furtay magaalada Muqdishu Shirweyne Qaran oo looga hadlayo dib u heshiisiinta.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Madax katirsan Dawladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa looga doodayaa inta uu socdo sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya Beelaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirrada maamul goboleedyadda u qaabilsan Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Shirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Faarax Saciid Juxa, ayaa horey u iclaamiyay Shirkan, isagoo sheegay in Wasaaradiisu ay doonayso in lasoo Afjaro colaada saameynta ku yeelatay Bulshada Somalia.

Wasiir Juxa ayaa tan iyo markii xilkan loo magacaabay waxa uu sameeyay Dedaallo badan, oo ay kamid tahay dib usoo celinta Wadahadalka Galmudug iyo Puntland, ee ku aadan Colaadda Gaalkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM