Dowlada Somalia oo culeys diplomaasiyeed kaga yimid wadanka Sucuudiga

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka Somalia, oo Arbacadii gaarey magaalada Riyadh, ee dalka Sacuudiga ayaa lasoo kulmay soo dhaweyn qabow, oo aysan fileynin kuwasoo la kulmay agaasimayaal.

Wasiirada oo gaaraya Lix, ayaa waxay la kulmeen dhigooda Sacuudiga, waxaana Kulanka uu u dhacay qaab ka duwan sidii la rabay, kadib markii lagu soo hadal qaadey Xiriirka dowladda Somalia iyo Qadar.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegay in Wafdiga dowladda lasoo hordhigay shuruud ah in marka hore Somalia ay jarto ama hoos u dhigto xiriirka Qadar, hadii ay doonayso inay dhaqaale ka hesho Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirada waxay kala soo kulmeen Sacuudiga wax ka duwan waxay u tageen, oo ahaa inay kala soo hadlaan Madaxda ay is-arkeen, balan-qaadkii Boqor Salman ee ahaa in dalkiisa uu mashaariic horumarineed ka fulinayo Somalia.

Shirka ayaa la sheegay inuu kusoo idlaaday natiijo la'aan, kadib markii ay ku cuslaatay Wasiirada inay ka jawaabaan Shuruuda ay soo hor-dhigay dowladda Sacuudiga taasoo aheyd in ay hoos u dhigaan xiriirka dalka Qadar la leeyihiin.

Boqor Salman ayaa Madaxweyne Farmaajo bishii February markii ay ku kulneen Riyadh u balan-qaadey Somalia 4  Billion dollar , lagu hergelinayo Mashaariic kala duwan, oo uu kamid yahay dhisamaha Garoonka Diyaaradeed oo Caalami ah.

Maamulka Somaliland ayaa maanta xiriirka u jarey dowlada Qadar kadib markii kulan ay yesheen golaha wasiirada.

Safarka Wasiirada ayaa kusoo beegmay War Saxaafadeed ay dowladda Somalia kasoo saartey Xiisadaha diblomaasiyadeed, ee soo kala dhexgalay dalalka Khaliijka, oo ay iska-taagtey meel dhex-dhexaad ah.

Warkaan waxaa lagu darey wararka kale oo soo kordhay 

GAROWEONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur Gudaha ah

Hay’adda oo uu hadda hoggaamiyo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbalooshe” ayaa…

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:48PM

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM