Somalia: Weerar ka dhacay degmada Qoryooley

Image

QORYOLEY, Somalia -Inta la xaqijiyay 5 katirsan Al shabaab iyo hal Askari oo Boolis ah ayaa lagu dilay weerar ka dhacay degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu billowday markii Kooxda Al shabaab ay weerar ku qaadey xalay saldhiga degmada, halkaasi oo ka dhacay dagaal xooggan oo dhimashada sababay.

Saraakiisha degmada waxay xaqiijiyeen in la iska caabiyay weerarka, islamarkaana khasaarooyin ay gaarsiiyeen xoogagii soo weeraray, oo laga dilay dhowr xubnood, inkastoo aysan sheegin tirada.

Dadka deegaanka waxay tilmaameen in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka culus, kaasi oo laga maqlayay deegaanada ku dhaw Qoryooley, oo 120KM dhanka waqooyi galbeed ugu beegan Muqdishu.

Al shabaab war ay soo saartey ayay ku sheegtay inay saraakiil sare ay ku dishay weerarka, inkastoo warkaasi ay beeniyeen Saraakiisha ciidamada dowladda Somalia ee gobolka Shabeellaha hoose.

Xaaladda degmada ayaa deggan saaka, waxaana caadi kusoo laabtey isku socodka gaadaiidka iyo dadweynaha, inkastoo ciidamo dheeraad ah lagu soao daadiyay wadooyinka oo baaritaano sameynaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM