Somalia: Xaaf oo la Caleemo-saarayo iyo Amniga Cadaado oo la adkeeyay

Image

CADAADO, Somalia- Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa Maanta lagu Caleemo-saarayaa Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf" oo la doortey 3-da bishan.

Madaxda maamulladda, sida Puntland, Jubbaland, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuuman inay ka qeyb-galaan Caleema-saarka Xaaf.

Waxaa saakaba Cadaado gaaray madaxda maamullada iyo dowladda dhexe si ay uga qayb galaan xafladda lagu qabanayo Cadaado.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Somalia Cabdi Faarax Saciid "Juxa", iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay degmadaas tagay iyagoo hordhac u ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee madashaas lagu casuumay.

Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Xaafadaheeda kala duwan ee lasoo dhoobay Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad Suggid, qaarkood laga keenay magaalada Muqdishu.

Madaxweyne Xaaf ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto amniga iyo kala qeybsanaanta ka jirta Gobollada Dhexe, gaar ahaan Galgaduud oo magaalooyin kamid ah gacanta ugu jiraan Ahlu Sunna.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM