​Somalia: Xaaf oo Waxgaradka Mudug kala hadlay Heshiiska Puntland

Image

GAALKACYO, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa Kulamo uu la yeelanayo Waxgaradka Mudug ka wada Koonfurta magaalada Gaalkacyo, oo shalay uu tagey.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmduug Maxamuud Aadan Cusmaan (Masaga-waa), ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu kala hadlayo Waxgaradka iyo Odayaasha Heshiiska Nabada uu la galay Puntland.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in Kulanka diiradda lagu saarayo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Xaaf iyo Gaas ay ku gaareen 29-kii May, kaasi oo lagu dhameynayo Colaadda daba-dheeraatay ee Gaalkacyo.

Hogaamiyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay ku heshiiyeen in xal waara laga gaaro colaada, sidoo kalena la isku furo wadooyinka, iyadoo la kala qaadayo Ciidamada labada dhinac ee is-horfadhiya.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Heshiisyo kuwan lamid ah la galay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" 2016, kuwaasi oo dhamaantood aan hergelin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM