Somalia: Xiisad dagaal oo ka taagan Bariga gobolka Galgaduud

Image

CEELBUUR, Somalia- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in saaka Xiisad dagaal ay ka taagan tahay degaanka Labi-Caano oo shalay uu ka dhacay dagaal beeleed khasaaro geestay.

Malleeshiyada Labada beelood ee dirirta ay u dhaxayso,  ayaa isku horfadhiya Miyiga degaanka Labi Caano, halkaasi oo laga dareemaayo xaalad kacsanaan ah iyo cabsi ku aadan in markale dagaalka uu qarxo.

Wararka ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha maamulka, ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xalinayo colaadda, sidoo kalena lagu kala qaadayo ciidamada.

In ka badan 6 qof ayaa ku dhimatay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Labi-Caano, oo qiyaastii 45KM u jira magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dagaalka waxaa uu salka ku hayaa muran ka dhashay deegaan daaqsimeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM