​Somalia: Xiisad ka taagan degmada Baladxaawo

Image

BALADXAAWO, Somalia- Xaaladda degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa kacsan, waxaana lagusoo waramayaa inay socdaal deg deg ah ku tageen mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

Xiisaddan ayaa timid kadib markii habeen hore xabsiga lagala baxay Afar ruux kuwaasoo lagu tuhmayay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab.

Ciidamada ammaanka ayaa raggaas habeen hore ku toogtay duledka Baladxaawo iyadoo aysan jirin maxkamad loo soo taagay tuhunka loo haysto.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland oo ay kamid yihiin; Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Amniga iyo xubno kamid ah Xildhibaanada kasoo jeeda degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiyaha degmada, ku-xigeenkiisa iyo taliyaha qaybta ayaa lagu eedaynayaa inay ka dambeeyeen mas’uuliyadda tallaabada lagu toogtay xubnahaas oo la qorsheynayay in dhawaan lasoo taago maxkamad ku taalla magaalada Kismayo.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xubnahaas laga yaabo in lasoo taago maxkamad iyadoo hadda la weydiinayo sida ay ku dhacday in maxaabiis lala baxo dabadeedna la toogto iyagoo aan caddaalad helin.

Waxgaradka deegaanka ayaa aad uga carooday falka lagu dilay ragga dhalinyarada kuwaasoo maydkood lasoo dhigay gudaha magaalada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM