​Somalida kunool Koonfur Africa oo walaac ka muujiyay dilal loo gaysto

Image

 Somalida kunool dalka Koonfur Africa ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dilal iyo dhac ku salaysan midab takoor kaga yimaada dadka dalkaas u dhashay taasoo kaliftay in ganacsato badan lagu dilay iyagoo ku jira shaqo maalmeedkooda.

Qaar kamid ah Somalida ku nool dalkaas oo cabshadan qabay sanooyinkii dambe ayaa cadeeyay inay xilli kasta soo wajahdo cabsi xoog leh oo ku aadan noloshooda iyagoo xusay in sidoo kale la boobo hantidooda.

Dhalinyaro Somaliyeed oo u shaqo tagay dalkaas ayaa todobaadyadii u dambeeyay lagu dilay xarumahooda ganacsi kuwaasoo aysan jirin cid wax ka qabatay falalka ka dhanka ah.

Maaha Somalida oo kaliya dadka dhibanayaasha u ah dilalka ku saabsan isir nacaybka dadka soo galootiga ah.

Dhowr jeer oo hore ayay ahayd markii shakhsiyaad Somali ku jirtoqaab arxan darro ah loo diray ganacsato loogu tagay xarumahooda xilliyo kala duwan.

Booliiska Koonfur Africa ayaa mararka qaybtood ka hortaga falalkaas ku saabsan Isir Nacaybka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM