Soomaali ku xayirneyd Suudaan oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtey in ay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Saalax Jaamac, ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wuxuu ku soo dhaweeyey muwaadiniin kasoo laabtey Suudaan.

Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtey in ay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniintan kuwaas oo ku go’doon-sanaa dagaallada ka soconaya dalka Suudaan.

Mr Jaamac waxaa munaasabadan ku wehlinayey xubno ka mid ah guddiga loo xil-saaray samatabixinta muwaadiniinta Soomaliyeed ku xaniban dalka Suudan

Muwaadiniinta oo ka koobnaa 150 qof ayaa 72 ka mid ah laga dajiyey magaalada Garoowe, halka 78 ka mid ahna laga soo dejiyey Muqdisho, iyaga oo safar dheer oo xagga lugta ah ay ku soo galeen dalka Ethiopia oo Dowladda Soomaaliya ay ka soo daad gureysay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa ku boggaadiyey shaqada ay qabteen guddiga soo celinta muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka Suudaan,

Xukuumadda uu ka tirsan yahay ayuu carabka ku adkeeyay in ay dadaal xoogan galinayso sidii guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Suudaan ay si nabad ah dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM