Soomaalida oo ka gilgilatay geerida Jilaa Abwaan Geesi

Image
Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isbitaal u yaalay xanuuno dhanka Kilyaha iyo Xamaytida.

NAIROBI, Kenya - Soomaalida ayaa si weyn uga gilgishay geerida Jilaa Abwaan Geesi oo ahaa nin dhallinyaro ah oo si weyn caan ugu ahaa dhanka jilliinka madadaalada, islamarkaasna lahaa mustaqbal ifaya oo dhanka masrixiyadda ah.

Abwaan Geesi oo ahaa nin dhallinyaro oo kasoo jeeda magaalada Gaalkacayo ayay wararku sheegayaan in uu ka xanuunsanaa dhanka kilyaha iyo xamaytida, isaga oo xitaa ay caloosha biyo ka fariisteen sida ay Garoowe Online u sheegeen warfidiyeeno isbitaalka ku booqday.

Markii ay soo baxday geeridiisa, ayaa waxaa Baraha Bulshada iyo Qalabka Warbaahintaba isla qabsaday baroor-diiqda iyo tacsida loo dirayo qoyska Abwaan Geesi oo markii uu noolaa dad badan ka qososhiin jirey.

Muuqaalo uu dhowaan Baraha Bulshada soo dhigay ayuu kaga hadlayay xanuunkiisa, wuxuuna u muuqday nin kasoo kabanaya. Muuqaalada ayuu qaarkood kaga hadlay geerida iyo sida qofka nafta uga baxdo oo uu tilmaamayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM