Kordhinta Soomaalida u shaqeysa Baanka Aduunka oo la dalbadey

Image
Image
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa codsigan hor-dhigay Ku xigeenka madaxa Bangiga ee Qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya isagoo ku dhiirigaliyey Bangiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara islamarkaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bangiga Adduunka waxay balan qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya Dowladda Soomaliya iyo Bangiga, gaar ahaan qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bangiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bangiga kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM