Soomaaliya: Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Bariire

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ciidamada dowladda Soomaaliya ee fariisinka ku lahaa deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa xalay saq dhexe faarujiyay saldhigii ay ku lahaayeen deegaankaas, sida ay xaqiijinayaan wararka soo gaaraya Garowe Online.

Lama shaacin sababta ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga baxeen deegaankaas oo ay dhowr jeer kula dagallameen kooxda Al Shabaab.

Warar GO ka heleen dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in saaka goobtaas ay la wareegeen mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab.

Shabaab ayaa la wareegtay saldhgii ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo baaritaan ka sameeyay xaafadaha Bariire.

War kooxda Al Shabaab ay soo dhigtay baraha internet-ka ee taageera, waxay ku sheegteen inay si buuxda u maamulayaan deegaankaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa u ruqaansaday dhinaca Afgooye.

29 September, 2017 ayay ahayd markii mallayshiyada Shabaab weerar ku qaaday Bariire inkastoo markii dambe ay kusoo laabatay gacanta dowladda.

Bariire oo qiyaastii 60KM u jirta degmada Afgooye ayaa lagu tiriyaa goobaha Al Shabaab ay kasoo abaabusho weerarada ka dhaca Muqdisho.

Ilaa hadda arrintan kama hadlin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaanka ciidamada, balse tallaabadan ayaa imaanaysa xilli todobaadkii hore ay is-casileen taliyihii ciidanka xoogga dalka iyo wasiirkii Gaashaandhiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM