Soomaaliya: Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Bariire

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ciidamada dowladda Soomaaliya ee fariisinka ku lahaa deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa xalay saq dhexe faarujiyay saldhigii ay ku lahaayeen deegaankaas, sida ay xaqiijinayaan wararka soo gaaraya Garowe Online.

Lama shaacin sababta ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga baxeen deegaankaas oo ay dhowr jeer kula dagallameen kooxda Al Shabaab.

Warar GO ka heleen dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in saaka goobtaas ay la wareegeen mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab.

Shabaab ayaa la wareegtay saldhgii ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo baaritaan ka sameeyay xaafadaha Bariire.

War kooxda Al Shabaab ay soo dhigtay baraha internet-ka ee taageera, waxay ku sheegteen inay si buuxda u maamulayaan deegaankaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa u ruqaansaday dhinaca Afgooye.

29 September, 2017 ayay ahayd markii mallayshiyada Shabaab weerar ku qaaday Bariire inkastoo markii dambe ay kusoo laabatay gacanta dowladda.

Bariire oo qiyaastii 60KM u jirta degmada Afgooye ayaa lagu tiriyaa goobaha Al Shabaab ay kasoo abaabusho weerarada ka dhaca Muqdisho.

Ilaa hadda arrintan kama hadlin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaanka ciidamada, balse tallaabadan ayaa imaanaysa xilli todobaadkii hore ay is-casileen taliyihii ciidanka xoogga dalka iyo wasiirkii Gaashaandhiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM