Soomaaliya: Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan istiraatiiji ah
GOOFADUUD, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa la wareegtay deegaan istiraatiiji ah oo ku yaalla Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, iyadoo tani kusoo beegmayso xilli dalkan dhaca Geeska Afrika uu diyaarinayo wajigii labaad ee howlgallada ka dhanka ah kooxda.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyada, Al-Shabaab ayaa u suurtagashay in ay ka awood bataan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Goofgaduud, oo ah deegaan ugu yaraan 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Qabsashada ayaa timid ka dib dagaal ay la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Tani waxay dhacday iyadoo Al Shabaab ay bilaabeen inay go’doomin dheeraad ah ku soo rogaan Magaalooyinka muhiimka ah, oo ay ku jirto Baydhabo, oo ay martigeliso 1 milyan oo barakacayaal ah oo ka soo cararay abaarta. Go’doominta Al-Shabaab ayaa saameyn ku yeelatay ganacsiga gobolka baay.
Al-Shabaab waxay lumisay dhowr magaalo oo istiraatiji ah, qabsashada tuuladana waxay door muhiim ah ka qaadan kartaa isku daygeeda ku aaddan inay sii waddo caqabadaha ka dhanka ah ciidamada dowladda, ciidamada shisheeye ee inta badan ka socda Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya [ATMIS] iyo Taliska Mareykanka ee Afrika. Ciidamada ayaa ku dagaalamay deegaano dhowr ah oo ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah kooxda ayaa la saadaalinayaa in ay si buuxda dalka uga saaraan kooxaha hubeysan, iyadoo sidoo kale la filayo in ciidamada gobolka Geeska Afrika ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah kooxda. Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa hadda isku diyaarinaya inay ka qeyb qaataan duulaanka.
Weerarada ka dhanka ah kooxdan ee ka socda Soomaaliya awgeed, dableydan Al-Shabaab ayaa isku dayaya inay ka gudbaan xadka Kenya, taasoo keentay in ilaalo laga sameeyo xadka. Kenya ayaa dib u dhigtay qorshaha ay ku dooneyso in ay dib ugu furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoo ku sababeysay dhaqdhaqaaqyada ay kooxdaasi ka wado gobolka Waqooyi Bari.
Ciidamada Difaaca Kenya [KDF] ayaa ilaa 14 ka mid ah saldhigyada howlgallada ka sameeyay waqooyi bari Kenya, kuwaas oo qaadi doona askar badan. Al-Shabaab ayaa dagaal ugu jirta sidii ay meesha uga saari lahayd dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya, taasoo la daalaa dhaceysa xasilooni darada dhowr iyo soddonkii sano ee u dambeeyay.
GAROWE ONLINE