Soomaaliya: Ururka Al Shabaab oo Weerarey Saldhig Ciidan

Image

BALCAD, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhig military, oo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sarkaal Military oo ku sugan gobolka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay weerarka saldhigga, kaasi oo ka dhashay khasaarooyin kala duwan, oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Saldhigga weerarka lagu qaaday ayaa ku yaallaa wadada xiriirisa Balcad iyo Degmada Afgooye, gaar ahaan wadada aada Tuulada Basra, oo ku dhaw xuduuda gobolkaasi la leeyahay Shabeellaha hoose.

Al Shabaab war qoraal ah, oo ku baahisay baraha Internet-ka, ayaa sheegtay in ugu yaraan lix Askari ay uga dileen Ciidamada dowladda weerarka, islamarkaana ay kasoo furteen hub iyo saanad military

Xoogaga Shabaabka waxay kaloo sheegeen in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka ay weerarka ku qaadeen, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo sheegashada kooxdan xaqiijinaya.

Wararka ayaa sheegay in Saldhiga ay ku sugnaayeen ciidan aanan sidaasi u badneyn oo Militariga ka tirsanaa, kuwaasi oo markii dagaalka uu bilowday intoodii badneyd meesha ka baxsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM