​Soomaaliya: AMISOM oo qarax lagula eegtay Bakool

Image

WAAJID, Soomaaliya - Qarax miino ayaa saaka ciidamo katirsan AMISOM waxaa lagula eegtay deegaan ku yaalla duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Saraakiisha gobolka ayaa u xaqiijiyay GO in qaraxa oo ahaa miino lala eegtay Kolonyo ay wateen ciidamada Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM, xilli ay marayeen inta u dhaxaysa Waajid iyo Rabdhuure.

Al-Shabaab ayaa war qoraal ah oo ay soo saartey ku sheegtay in weerarka ay ku gubeen mid kamid ah Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Ethiopia, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen Askartii la socotay.

Qaraxa kadib, xubno katirsan Al shabaab, ayaa dagaal toos ah la galay ciidamada Ethiopia, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaarey iska-hor-imaadkaasi.

AMISOM kama aysan hadlin wali weerarka.

Al-Shabaab ayaa inta badan Qaraxyo la beegsata AMISOM xilliyadda ay ku safrayaan wadooyinka ku yaalla gobolka Bakool, oo aad ay ugu xoog badan yihiin Xoogaga mintidiinta xiriirka la leh Al Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM