Soomaaliya: Askar loo xukumay dilka iyo dhaca oday ehel la ahaa

Image
Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa la sheegay in marxuumka ay ka qaateen $17,300.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii "u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah".

Sidda uu shaaciyey garsoorka, Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, "waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka Maraykanka ah".

"Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf," ayay raacisay maxkamadda.

Muuse Cali Nuur oo hore abaalmarin ugu helay "dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishan February in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar".

"Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada kuwada xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuum Yusuf Cabdi Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalaka sida," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM