Soomaaliya: Beelo ka cabanaya cagajugleyn oo loo diiday inay banaanbaxaan

Image
Diyaargarowga banaanbax cadaalad loogu raadinayo Jeneraal Sheegow.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Beesha Soomaali Baanto ama Jareer weyne ayaa mudooyinkii u dambeeyay ka cabanayey in Hay’adaha amaanka ay kula kacaan falal cunsurinimo ah, isla markaana lagu dhibaateeyo wadooyinka iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Dhaqamadaan ayaa bilowday, sida ay sheegeen qaarkood, kadib banaanbaxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee ka dhashay xariga Jeneraal Sheegow.

Waxa ay sheegeeyn in Nolol maalmeedkoodii aysan aheyn sidii hore, waxaana laga hor istaagay inay sameystaan xafladaha guurka ah, dhamaan shacab iyo siyaasiyiinba.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar laga hortagayo banaanbaxyada aan fasax looga heysan laamaha ammaanka, xilli ay beesha Jareerweyne qorsheynaayeen in Axadii ah ay isugu soo baxaan wadooyinka Muqdisho.

Siyaasi Siidow Macalin ay Bulshada soomaaliyeed ku barteen difaacidda xuquuqda shacabka Soomaali Baanto ayaa sheegay in ciidamada nabadsugida ay dhowr mar ka baadigoobeen gurigiisa isaga oo hataan ku sugan meel uusan sheegin.

Siidow waxa uu sheegay in uu qoyskiisa ka maqan yahay muddo toddobaad ah, isaga oo ka cararaya in xabsi loo dhigo maxaad u difacaysa dadkaaga sida uuu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo arrintaasi ka hadlay ayaa ka nuuxnuuxsaday dhibaatada ka dhalan karta in la beegsado beelo gaar ah, loona baahan yahay in loo ogolaado inay aragtidooda dhiibtaan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed SJS, Cabdullaahi Axmed Moamen ayaa yiri:

“Waa in la cambaareeyaa hanjabaadaha loo jeedinayo beeshan iyo madaxdooda. Waa in sidoo kale la cambaareeyaa kuwa ku kacaya dambiyadaas iyaga oo adeegsanaya magaca dowladda.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM