Soomaaliya: Carruur aano qabiil loo dilay oo ka dhalatay xiisad dagaal

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Deegaanka Qorof oo dhacda xadka Galmudug iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dhacdo xanuun badan. Shan Carruur ah oo aan waxba galabsan oo ka soo laabtay Xaflad aroos ah, ayaa la dilay kaddib markii rag hubaysan oo ujeeddadooda aargoosi ahayd ay weerar kusoo qaadeen xili ay jiifeen habeen hore Dugsiga Qur'aanka ku baran jireen.

Wiilashan la dilay oo isla-dhashay, ayaa kan ugu weyn wuxuu jiray 13-sanno, iyadoo la sheegay xilliga la dilayay ay kusii jeedeen Gurigooda, oo aan ka fogeyn goobta Dugsiga ay jiifeen.

Qoysaska dhibanayaasha ayaa falkan naxdinta leh ku macneeyay dagaal beeleed muddo soo jiitamayay oo u dhaxeeyay beelaha walaalaha ahi ee kala dega magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Dagaalkan oo ay hareeyeen colaad iyo xiisad ayaa gobolka ragaadiyay muddo sanado ah, taasoo sababtay in dad aan waxba galabsan ay ku nafwaayaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid, oo kasoo jeeda Caabudwaaq ayaa sheegay in lasoo qaban doono, islamarkaana Maxkamad la keei doono kuwa dilka fuliyay. Xiisad ayaa ka dhalatay dilka, waxaana laga cabsi qabaa inay dagaal abuurtay.

Wararka ku saabsan dhacdadan naxdinta leh ayaa saameeyay guud ahaan Soomaaliya, taasoo keentay cambaareyn ballaaran, waxayna sii hurisay baahida xooggan ee loo qabo caddaaladda iyo amni.

Dhibaatadan macno darada ah ee loo geystay Carruurta ayaa ah mid ku habsatay qaranka, taasoo keentay in lagu baaqo in si deg deg ah wax looga qabto dambiilayaasha, lana soo afjaro colaadaha soo noqnoqday.

Iyadoo ay bulshadu ka murugoonayso dhibaatadii foosha xumayd ee loo gaystay caruurtan aan waxba galabsan, dhacdadani waxay xasuusin buuxda u tahay baahida degdega ah ee dib u heshiisiin iyo nabadaynta gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa ah in ay u midoobaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen sababaha keenay isku dhacyadan, ayna ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa wada noolaansho iyo isfaham dhex mara beelaha kala duwan ee gobolka wada dega.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM