Soomaaliya: Ciidanka dowladda oo weeraray goob lagu daweyn jiray Al-Shabaab

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa qaatey hab ka duwan kuwii hore oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo ah in la beegsado xarumaha ay ku daweynayaan dagaalyahannada dhaawaca ah.

Istiraatijiyaddan ugu danbeysey ayaa la arkayey in ciidamada Soomaaliya ay ku beegsadeen xarun lagu daweynayo dagaalyahanada dhaawac ah oo ku yaal meel howd ah oo qiyaastii 3 KM u jirta tuulada Qoob Yaxaas.

Wararka ayaa sheegaya in xaruntan gaarka ah lagu daweynayay ku dhawaad 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo dhaawacyo kasoo gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

ٍAL-Shabaab ayaa goobta la weeraray ka sameeysay 30 teendhooyin ay ku dawaynayaan dhaawacyada, kuwaas oo ku dhawaad labaatan ka mid ah ay ahaayeen Ajaanib.

Warbaahinta Dawladda ayaa sheegtey in markii uu weerarka dhacayey uu Al-Shabaab u socday shir ay ka qeybgaleen horjoogayaal, shirkaas oo looga hadlayey sidii loo sameyn lahaa xarumo lagu daweynayo dhaawacyada la filayo in ay waxyeello ka soo gaarto wejiga labaad.

Tani waxay muujineysaa in istaraatiijiyada milateriga Soomaaliya ay ku qasabtay Al-Shabaab inay dib u qiimeeyaan xeeladahooda oo ay la qabsadaan xaaladaha jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM