Soomaaliya: Dad u badan caruur oo ku dhintey gantaal ku qarxay

Image
Falkan ayaa Jimcihii shalay waxa uu ka dhacay tuuladda Muraalle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 27 qof oo u badan caruur ayaa ku geeriyootay kadib markii uu ku qarxay gantaal la sheegay in ay ku cayaarayeen, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan.

Falkan ayaa Jimcihii shalay waxa uu ka dhacay tuuladda Muraalle oo u dhaxeysa degmooyinka Qoryooleey iyo Jannaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Duqa magaalada Jannaale oo u dhow halka ay wax ka dhaceen, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur, ayaa warbaahinta dowladda waxa uu u sheegay in ay ka cabsi qabaan in tirada geerida ay sii kororto.

Sidda laga soo xigtey Cabdinuur oo khadka telefoonka ku bixiyey wareysi, inta illaa haatan la og-yahay dhaawaca waxa uu marayaa 53 kuwaas oo isugu jira caruur, dhalinyaro iyo dad waaweyn.

Cabdinuur oo xaalad taagan ku tilmaamay "mid musiibo ah" ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dhaawacyadda oo uu xusay in ay qaarkood ay liidato xaaladooda.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa uu ahaa gantaalkan. Warbixinada qaarkood waxay xusayaan in ay soo tuureen ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS balse rasmi ah looma xaqiijin karo.

Macluumaad kale oo aan si dhab ah loo hubin karin ayaa tibaaxaya in gantaalka uu kamid ahaa haraadiga weeraro horey uga dhacay aaggaas isla markaana caruurta ay aqoon la'aan ugu cayaarayeen.

Dhacdooyinkan oo kale ayaan ahayn mid ku cusub dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed hase ahaatee waxaa dhif iyo naadir ahayd in khasaaro intaas la eg uu ka dhasho taasoo argagagax ku abuurtey dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM