Soomaaliya: Darawalada Gaadiidka oo ka cabanaya Isbaarooyinka u yaalla Hirshabeelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadayaasha Gaadiidka ee ka howlgala Gobollada Dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo-joojin si ay u muujiyaan cabashadooda dowladda wax ka qaban waysay.

Darawalada Gaadiidka dadka ka qaada magaalada Muqdisho ee u kala goosha Gobolada dalka ayaa la kulma caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin lacago baad ah, tacadiyo kala, oo jirdilka uu kamid yahay iyo dhac mararka qaar loo geysto rakaabka.

Guddiga Gaadiidka oo matalaya darawalada dhibaateysan ayaa tilmaamay in Gobolka Sh/Dhexe iyo duleedka magaalada Muqdisho ay ka jiraan isbaarooyin sharci darro ah oo carqaladeeya habsami u socodka gaadiidka. Iskaashatooyinka gaadiidka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku soo rogaa darawallada lacago xad-dhaaf ah.

Waxaase la yaab leh in iskaashatooyinkan ay ku fashilmeen in ay bixiyaan wax adeeg ah, gaar ahaan amniga oo muhiimad gaar ah u leh wadayaasha gaadiidka, sida uu guddiga sheegay.

Inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ay hore uga hadleen sida loo xakameyn lahaa Isbaarooyinka sharci darrada ah, ayey wali dhibaatadu taagantahay. Arrinkan ayaa ku abuurtey Darawaliintu niyad jab maadama uusan jirin dowladda ka tirasan oo ka awood sareeya mudanayaashaas.

Waa markii labaad oo bishan gudaheeda wadayaasha gaadiidka ay sameeyaan shaqo joojin, iyagoo dareemaya inaan si dhab ah loo qaadan tabashadooda inkastoo ay bixiyaan canshuuro badan. Darawallada ayaa hadda ugu baaqaya madaxda dalka oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay arrintan soo farageliyaan oo ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran.

Shaqo joojintan ayaa ah mid lagu baraarujinayo maamulka, iyadoo loogu baaqayo inay si deg deg ah wax uga qabtaan cabashada taagan. Waxay muujinaysaa baahida degdega ah ee loo qabo xal dhamaystiran oo meesha ka saaraya isbaarooyinka sharci darrada ah, sidoo kalena la hubiyo badbaadada iyo wanaagga darawaliinta oo door muhiim ah ka ciyaara is dhaaafsiga badeecadaha ee gobolada dalka oo dhan.

Shaqo joojinta wadayaasha gaadiidka ayaa hoosta ka xariiqaysa muhiimada ay leedahay in wax laga qabto caqabadaha soo wajaha dadka ka qeyb qaata kobaca dhaqaalaha dalka.Waxaa lama huraan ah in la maqlo tabashooyinka ay qabaan, lagana qaado tallaabooyinka ku habboon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Serbia waydiisatay taageero dhanka ammaanka ah

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya General Abdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa ku sugan Belgrade.

  • Soomaliya

    30-11-2024

  • 08:50AM

Muqdisho: 37 qof loo dilay xirashada CCTV awgeed labo bil gudaheeda

Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa beegsatay dhamaan ganacsatada u hogaansantay amarka dowladda.

  • Soomaliya

    30-11-2024

  • 08:08AM