Soomaaliya: DFS oo sheegtay in Al-Shabaab ka dishay 200 xubnood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa shir jaraa'id uu maanta qabtey ku soo hadal qaaday dilka 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo todobaadkii la soo dhaafay lagu dilay deegaano kala duwan.

Howlgallo is daba joog ah ayaa la fuliyay iyadoo ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo taageero ka helayay saaxiibada caalamka.

Howlgaldan ayaa la dooniyey in lagu yareeyo awooda ay kooxdu leedahay ka hor inta uusan bilaaban wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah AS.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in 30 askari oo ka tirsan AS la diley maanta, kuwaas oo laba ka mid ah ay ahaayeen hogaamiyaal sare, kadib howlgal lagu bartilmaameedsaday goobo ay isku uruursanayeen oo ku yaalla deeganka Ceel-qurac.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Jubbada Hoose lagu dilay 100 Al-Shabaab ah.

Sidoo kale, waxaa jirey howlgallo kale oo lagu dilay tiro dagaalyahano ah oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ka kala dhacay degmooyinka Galcad & Budbud ee gobolka Mudug, waxaana howlgalkaas fuliyay ciidamada dowladda.

Howlgallada ayaa sidoo kale laga sameeyay miyiga magaalada Hobyo ee gobolka Mudug iyo howdka hoos yimaada deegaanka Weel-Maarow ee gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyay ay si weyn u wiiqeen awoodda Al-Shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay weli ka go’an tahay sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM