Soomaaliya: DFS oo sheegtay in Al-Shabaab ka dishay 200 xubnood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa shir jaraa'id uu maanta qabtey ku soo hadal qaaday dilka 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo todobaadkii la soo dhaafay lagu dilay deegaano kala duwan.

Howlgallo is daba joog ah ayaa la fuliyay iyadoo ay hogaaminayeen Ciidamada Qalabka Sida oo taageero ka helayay saaxiibada caalamka.

Howlgaldan ayaa la dooniyey in lagu yareeyo awooda ay kooxdu leedahay ka hor inta uusan bilaaban wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah AS.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in 30 askari oo ka tirsan AS la diley maanta, kuwaas oo laba ka mid ah ay ahaayeen hogaamiyaal sare, kadib howlgal lagu bartilmaameedsaday goobo ay isku uruursanayeen oo ku yaalla deeganka Ceel-qurac.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Jubbada Hoose lagu dilay 100 Al-Shabaab ah.

Sidoo kale, waxaa jirey howlgallo kale oo lagu dilay tiro dagaalyahano ah oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ka kala dhacay degmooyinka Galcad & Budbud ee gobolka Mudug, waxaana howlgalkaas fuliyay ciidamada dowladda.

Howlgallada ayaa sidoo kale laga sameeyay miyiga magaalada Hobyo ee gobolka Mudug iyo howdka hoos yimaada deegaanka Weel-Maarow ee gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in howlgalladii ugu dambeeyay ay si weyn u wiiqeen awoodda Al-Shabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay weli ka go’an tahay sii wadida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM