​Soomaaliya: Diyaarad lagu soo riday Garoonka Xudur

Image

XUDUR, Soomaaliya - Diyaaradda nooca xamuulka ah, oo siday Maandooriyaha Qaadka ayaa maanta oo sabtida ah lagu rasaaseeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Askari katirsan Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Xudur, ayaa lagu soo waramayaa inuu rasaas ku furey Diyaaradda, kadib markii ay isku dayday inay duusho, iyadoo aan dejin rarkii Qaadka saarnaa.

Saraakiisha maamulka degmada, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Askariga uu cagaha ka toogtay Diyaaradda markii ay ka dhega-adeegtay amar ahaa inaysan duulin, iyadoo aan dhigin Qaadka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda ay ku dhacday xaafad ku dhaw Garoonka, balse aan wali la ogeyn khasaaraha kasoo gaarey dadkii la socday, iyo shaqaalaheeda.

Lama oga sababta Askariga u rasaaseeyay Diyaaradda.

Garoonka waxaa kuwada sugan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM, oo baaritaan kuu sameynaya dhacdadan lagu rasaaseeyay Diyaaradda Qaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar Hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Garoonka Aadan Cadde ayaa hoy u ah xafiisyada Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah safaaradaha shisheeye.

  • Soomaliya

    20-05-2025

  • 09:11AM

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM