​Soomaaliya: Gaas “Dowladdaan ku tacabnay dullaan kuma nihin”

Image

KISMAAYO, Soomaliya- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka qayb galay shirka ka soconaya Kismaayo, ayaa sheegay in kulankaasi uu  yahay mid dastuuriya oo ay ahayd marhore in la qabto.

Gaas wuuxuu sheegay in aanay wax cusub ahayn in dawlalddaha xubnaha ka ah dawladda fadaraalka Soomaaliya isu yimaadaan oo ay ka tashtaan masiirkooda iyo kan ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay in taas uu ogolaanayo fadaraalisamku ayna tahay wax sharciya oo sax ah.

"Runtii waa nasiib daro inaan u raadino sababayn in laysu yimaado oo dawladdaha xubnaha ka ah DFS isu yimaadaan, inaan isu nimaadnaa waa dastuuri oo dastuurkay ku qoran tahay, meel-kasta oo aduunka Fadaraalisam ka jiraana waxa ay leeyihiin dawladdaha ka jira dalalkaasi kulamo ay ku midoobaan oo ay isugu yimaadaan, wax qariiba ma aha dawladdaha xubnaha ka ah DFS  marka laga eego waajibaadka awood qaybsiga, masuuliyad qaybsiga  " ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si sax ah loo dhaqan geliyo xeerarka fadaraalisam-ka madaama uu dalka ka jiro nidaamkaas, islamarkaana laga maarmaan tahay in laga tashado wax walba oo qaldan  ee ka yimaada dhinaca DFS ama dawalddaha xubnaha ka ah.

"Sharciga maanta uu dalku ku jiraa ee dastuurka ahi waa Fadaraliisam, waxaan rabnaa waxa noo qoran ee dastuurka noogu qoran in sidii dhabta ahayd loo dhaqangeliyo, waxa jira oo noo qoran iyo mararka qaar-kood waxa ka socda dawladda dhexe runtii wax isle ma aha, in badan waxaan afka ka sheeganeyney inaan fadaraal nahay, laakiin marka la eego sida hab dhaqanku yahay waxa ay keenaysaa in laysu yimaado oo layiraahdo  waxa qaldan waxa ay u baahan yihiin saxitaan" Ayuu yiri Madaxweynuhu.

"Anaga haddii wax dhiba oo dhankayaga ahi ay jiraan waxaa wacan in laga wada hadlo oo naloo sheego, anana waxa aan hiig-sanayno ama waxa noola muuqda in aanay saxa ahayn  iyo nidaamka dawliga ah ee lagu heshiiyey inaysan ahayd in lasysu yimado oo laga wada hadlaayo mushkilad ma ah" ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Gaas isagoo ka hadlay in shirkaas yahay mid lagu carqaladaynayo dowladda dhexe, wuxuu sheegay in xukuumadda Farmaajo tacab badan ku bixiyeen, shido badan laga soo maray islamarkaana ay khalad tahay in loo arko in madaxda maamulladu dullaan ku yihiin dowladda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey masuuliyiinta shirka kala qayb geleysey in loo baahan yahay haddii laysu yimi in shirka laga soo saro qodobo is afgarad, kuwaas oo ku salaysan xaqiiqda, isla markaana loo wada hadlo si dhaba oo diiradda lagu saarayo waaqiciga maanta Soomaaliya ka taagan iyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka Daawo Muqaalka Madaxweyne Gaas arrintaas uga hadlayay

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM