Soomaaliya : Gabadh Hargaysa laga tarxiilay oo Muqdisho lagu xaalmariyay

Image

MUQDISHO, (GO) - Gabadh baraha bulshada caan ka ah oo magaceedu yahay Najmo, kuna magac dheer Mss World oo todobaadkan markii labaad laga tarxiilay Somaliland ayay dhallinyaro deegaanadaasi kasoo jeeda munaasabad xaalmarin ah ugu qabteen Muqdisho.

Najmo ayaa markii koowaad dhawr bilood ka hor laga celiyay garoonka Cigaal ee Hargeysa, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan. Sababta loo celiyay ayaa lagu sheegay in ay xidhnayd surwaal, sidaasi awgeedna dhaqan xumo loo cuskaday.

Najmo ma aysan quusan, markale ayay sii martay dhanka Puntland, kadibna dhulka ka gashay Somaliland, illaa ay gaartay magaalada Hargeysa.

Booliiska Somaliland ayaa ka warheley Najmo oo ku sugan Hargeysa, kadibna xirey, kana soo tarxiilay magaalada, iyada oo la baahiyay muuqaal ay xijaab xirantahay oo ay ku sugantahay garoonka Cigaal.

Koox dhallinyaro ah oo deegaanada Somaliland kasoo jeeda ayaa xaflad xaalmarin ah xalay ugu qabtay Muqdisho, waxaana la arkayay Najo oo madaxa loo saaray go’ shaal ah iyo koofiyad.

Warar aanan la hubin ayaa sheegay in Najo ay Hargayso u tagtay sababo la xiriira wiil uu jacayl kala dhaxeeyo.

Arrinta Najmo ayaa iftiimineysa dhibaatada kala go’ dalka uu ku keeno karo xiriirka bulshada iyo isdhexgalkooda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM