Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo kawada hadlay deyn cafinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabogabo maraya.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raii'sul Wasaare Khayre, Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi.

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Arrimaha Afrika, Hafez Ghanem iyo Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha, Jumake Jagun-Doknmu.

Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika iyo Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliyam Puteri Watson ayaa sidoo kale kasoo muuqday shirka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ma aysan fahfaahin ujeedka dhabta ah ee socdaalka wafdigan balse wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo dhowaan Bangiga Aduunka shaaciyey in uu taageerayo qorshaha deynta cafinta.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa gaareysa shan bilyan oo Doollar-ka Mareykanka, waxaana ku leh dowlado kala duwan kuwaas oo qaarkood ay ku dhawaaqeen in ay ka cafiyeen.

Norway ayaa bishii hore ku dhawaaqay in ay Soomaaliya deynta ka bixineyso, inkasta oo lacagta ay uga gudeyso ay tahay mid kale oo deyn ah, sidda ku cad warbixinta.

Cafinta deymaha ayaa lagu xiray shuruudo dhowr ah kuwaas oo qaarkood ay ka gudubtay Soomaaliya, wallow ay baaqi yihiin kuwa kale haddana xukuumadda ma aysan soo bandhigin waxay yihiin shuruudahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM