Soomaaliya iyo Itoobiya oo kawada hadlay la dirirka Al-Shabaab

Image
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa la kulmay danjiraha Itoobiya u fadhiya Muqdisho, Mukhtaar Maxamed Waare.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Mohamed Nur Madoobe, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Mukhtaar Maxamed Waare.

Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoo ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoo xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM