Soomaaliya iyo Itoobiya oo kawada hadlay la dirirka Al-Shabaab

Image
Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa la kulmay danjiraha Itoobiya u fadhiya Muqdisho, Mukhtaar Maxamed Waare.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Mohamed Nur Madoobe, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Mukhtaar Maxamed Waare.

Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoo ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoo xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM