Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis cusub ka gaarey dal-ku-galka

Image
Heshiiskan ayaa sidoo kale waxa uu taabanayaa dhinacyadda ammaanka iyo degaanada dhaca xadka labada dal.

NAIROBI, Kenya - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa si rasmi ah waxay qalinka ugu duugeen heshiisyo ku saabsan ammaanka, ganacsiga, furida xuduudaha iyo xasiloonida degaanada dhaca sohdinta labada dal.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Sheekh Doodishe, ayaa xukuumadda Muqdisho u saxiixay heshiiskan, halka dhanka Nairobi uu qalinka ku duugay wasiirka arrimaha gudaha, Kithure Kindiki.

"Waxaan ku heshiinay in muddo 90 cisho gudahood ah lagu furo baraha xudduudaha Beled Xaawo-Mandera, Dhoobleey-Liboi, Raas Kaambooni-Kiunga. Waxaa kale oo aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah," ayuu Doodishe ku qoray ciwaanadiisa baraha bulshadda.

Doodishe waxaa wehliyay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaaahiga caalamiga, Abshir Cumar Jaamac iyo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqadir Maxamed Nuur; halka Kindiki uu la socdey wasiirka gaashaandhigga, Aadan Barre Ducaale.

"Heshiiska aan dhawaan la saxiixannay dowladda Kenya ayaa qeexaya qodobo muhiim ah oo gacan ka geysan doona dedaalladeena ku wajahan ka guulgaaridda yoolasha aan wadaagno ee xoojinta amniga, isdhexgalka bulshooyinka iyo horumar waara," ayuu Doodishe si raaciyey.

Xadka ayaa la xiray 2011-kii ka gadaal markii ay kordheen weerarada ay maleyshiyaadka Al-Shabaab ka geystaan gudaha Kenya taasoo ka careysiisay shacabka iyo siyaasiyiinta dalkaas.

"Waxaa intaa dheer in furitaanka xuduudda labada waddan ay muhiim u tahay ganacsiga bulshooyinka ku nool labada dhinac. Heshiiska ayaa yareyn doona culayska ka taagan helitaanka dal-ku-galka," ayuu tibaaxay Doodishe

Wuxuu kusoo xiray hadalkiisa: "Kulamada u dhexeeya mas'uuliyiinta labada waddan ayaa sii socon doona si loo wanaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee ka dhexeeya labada dal isla markaasna loo fududeeyo isu socodka dadka loona ballaariyo fursadaha ganacsi ee Soomaaliya iyo Kenya".

Heshiiskan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli lagu waddo in dhowaan ay Soomaaliya soo gaaraan ciidamo ka kala socda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti kuwaasoo ku biiri doona ololaha lagu soo afmeerayo Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM