Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray laalidda cunaqabateynta

Image
Image
Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ergeyga dalka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Linda-Greenfield Thomas.

Madaxweynaha oo la wadaagay Danjire Linda guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka argagixisada iyo xoreynta deegaannada ayaa ku bogaadiyey dalka Maraykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaallanka argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhankeeda, Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanyaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM