Soomaaliya iyo Rwanda oo xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya

Image
Image
Image
Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa Turkiga ka bilowday sanaddii 2008-dii.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Ruwaanda, Paul Kagame, oo ay ka wada qayb galeen Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa, sidda laga soo xigtey, waxaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Villa Soomaaliya ayaa xustey in madaxweyneyaashu isku raaceen Xoojinta Iskaashiga iyo horumarinta wax wadaqabsi ka tarjumaya danaha iyo yoolasha labada Qaran ee Soomaaliya iyo Ruwaanda.

Shirka ayaa lagu lafo-guray horumarinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika ee dhinacyada amniga, maalgashiga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha iyo wax-soosaarka beeraha.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa dhankiisa wuxuu ka qayb galay Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Cali ayaa la sheegay in ay kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Rwanda Mudane Vincent Biruta, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka Soomaaliya iyo Rwanda ee dhinacyada Amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo ganacsiga.

Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa Turkiga ka bilowday 2008-dii, iyada oo meertadiisii labaadna lagu qabtay 2014-kii caasimadda Malaabo ee Equatorial Guinea, halka meertadisii saddexaadna ay maanta ka furantay magaalada Istanbuul ee Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM