Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah

Image
Image
Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan dhowr arrimood.

ROMA, Italy - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome oo uu safar shaqo ku joogo waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay'adda Med-Or Leonardo Foundation Mudane Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan horumarinta tacliinta sare iyo dhaqanka, iyada oo ardayda, Shaqaalaha Dowladda iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loo fidin doono deeqo waxbarasho iyo tababarro sare oo ay ku qaadan doonaan dalka Talyaaniga.

Munaasabadda Heshiiskan Is-afgaradka ah lagu saxiixayey waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abukar Xaaji.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM