Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis is-afgarad ah

Image
Image
Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan dhowr arrimood.

ROMA, Italy - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome oo uu safar shaqo ku joogo waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay'adda Med-Or Leonardo Foundation Mudane Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan horumarinta tacliinta sare iyo dhaqanka, iyada oo ardayda, Shaqaalaha Dowladda iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loo fidin doono deeqo waxbarasho iyo tababarro sare oo ay ku qaadan doonaan dalka Talyaaniga.

Munaasabadda Heshiiskan Is-afgaradka ah lagu saxiixayey waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abukar Xaaji.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weeraro ka dhacay Sudan

Dhinaca kale, ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ka geystay meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:25AM

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM