Soomaaliya iyo Turkiga oo is-faham cusub ku gaarey Istanbul

Image
Kulanka Labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee labada dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa ka qayb galay meertada saddexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Cali ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu, isaga oo uga mahad celiyey tageerada ay dowladda Turkigu la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Kulanka Labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta.

Labada wasiir ayaa la sheegay in ay isla-meel-dhigeen ka wadashaqaynta danaha qaran iyo adkaynta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Wasiir Cabdisaciid ayaa qayb ka ah Wafdiga Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka qayb galaya Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Kulankan aadka isha loogu hayo ayaa wuxuu ka dhacaya magaalada caasimadda ah ee Istanbul, waxaana shirkan looga hadlayaa iskaashiga iyo mustaqbalka xiriirka Dalalka qaaradda Afrika iyo Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM