Soomaaliya iyo UN-ka oo xal waara u goobaya barakacyaasha

Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha, Robert Piper oo maanta dalka soo gaaray.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladaha nololeed ee dadka ku barakacay gudaha dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka heysta dadkaasi malaayiinta qof ah ee ku sugan xeryaha.

Xamse ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa barakacayaasha gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ku waayay hantidoodii abaaraha, colaadaha iyo isbeddelka cimillada, isagoo ku ammaanay Qaramada Midoobay dadaalka ay waddo ee wax loogu qabanayo dadka barakacay.

Dhankiisa, La-taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Barakacayaasha ayaa ku ammaanay Xukuumadda dadaallada lagu caawinayo barakacayaasha, isagoo xusay in Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ay qaadayso tallaabooyin ay wax ugu qabanayso dadka barakacay ee ku sugan 16 waddan oo Soomaaliya ay ku jirto.

Dhibaatooyinka sababay barakaca gudaha dalka ayaa waxaa kamid ah abaaraha, colaadaha iyo argagixisada oo go'doon galisay deegaannada ay ku sugan yihiin, si aan dadka gurmad loo gaarsiin. Sidoo kale isbeddelka cimilada ayaa sababay biyo yaraan iyo dhulkii ku haboonaa daaqa iyo beerashada in uu nabaad guuro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM