Soomaaliya: Jeneraal gadoodsan oo dagaal ka bilaabay Muqdisho

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay xalay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Booliska Milateriga iyo ciidan kale oo taabacsan Jeneraal lagu magacaabo Sheegow Axmed Cali, iyadoo laamaha ammaanka aysan wax war ah ka soo saarin ilaa hadda.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii uu Jeneraalka diiday in uu Booliska ku soo wareejiyo laba askari oo loo heysto in ay dileen askari kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Milateriga/Boliis Militari.

Jeneraalka iyo ciidamadiisa ayaa haatan difaac ka sameystay degmada, halka booliska ay hareereeyeen goobta, iyaga oo wata gawaari Cabdibile ah oo tiradoodii gaaraya 20.

Kadib is rasaaseynta dhexmartay Boliska iyo ciidamada Jeneraalka, qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee matalayay Jeneraalka ayaa isku dayay inay ay soo farageliyaan oo ay dhexdhaxaadiyaan labada dhinac balse isku daygaas ayaa ku soo dhamaaday fashil.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in saacadaha soo socda ay xoog ku weerari doonaan guriga Jeneraalka, ayna soo afjari doonaan weerarka iyaga oo gacnta ku soo dhigaya dadka la tuhunsan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM