Soomaaliya: Mamnuucista tijaabinta hubka Nukleerka oo laga shiray

Image
Kulan ka dhacay xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa lagu gorfeeyey qabyo-qoraal khuseeya qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, Cunaqabaynta Hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka heshiiska mamnuucista tijaabinta hubka halista ah ee Nukleerka iyo Xeerka Amniga Hoteelada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha Adeegga Bulshada.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, warbixin la xiriirta halka uu marayo qaadista cunaqabataynta hubka iyo qoondeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan ciidamada amniga ee la geynayo deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM