Soomaaliya: Maxaa ka cusub dagaalka dowladda kula jirto AS?

Image

MUQDISHO, Somalia - Ilaa 107 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya intii u dhaxeysay bilihii July iyo August, sida ay sheegtay xarunta la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Xarunta Qaranka ee ka hortagga iyo la dagaallanka xagjirnimada TUBSAN ayaa sheegay in maleeshiyada ay iska soo dhiibeen afar dowlad goboleed oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

“Dadka isa soo dhiibay waxaa ku jira caruur yar yar oo la xagjireeyay, dhalinyaro, haween iyo taliye kooxeed waxaana loo fidin doonaa cafis kadibna waxaa loo qaadi doonaa dhaqan celin” ayuu yiri agaasimaha oo la hadlay saxaafada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxa uu ku booriyay dagaalyahanada kooxda doonaya inay ka faa’iideystaan ​​cafiska dowladda ay u fidisay inay ku daydaan, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan inay ka soo goostaan ​​kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

“Laba arrimood ayaa sabab u ah in tirada Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda ay kororto, waa tan koowaade waa culeyska ka imaanaya howlgallada guracan ee dalka ka socda iyo midda labaad oo ah in cafiskii Madaxweynaha ay ka faa’ideysanayaan. ayuu yiri.

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalyahanada kooxdaasi oo ka dhacay dhowr jiho oo u badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM