Soomaaliya: Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Amniga Qaranka?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay go’aamadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka, kaasoo maanta uu shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo muddo saacdo ah socday ayaa looga arrinsanayey Wajigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana looga hadlay dhameystirka wajigii koowaad oo gabgabo marayo.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ciidamada shisheeye ee ay matalayaan wadamada safka hore ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalada wajiga labaad si loo ciribtiro argagaxisada nabadiidka ah.

Wasiirka warfaafinta ayaa cadeeyey in xoreynta magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri uu ka mid yahay wajigii koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana aysan ka qeyb qaadan doonin ciidamada wadamda Safka hore.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay diyaa-garowga ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay kala wareegaya Howlgalka Ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) howlaha sugidda amniga dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay mowqifka shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada ay u hayaan ciidamada qalabka sida si looga adkaado Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay wasiirka warfaafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM