Soomaaliya oo ka feejigan duufaano, qaylo dhaanna u dirtay caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Soomaaliya oo ka digtay roobab dabaylo wata ayaa waxay ugu baaqday hay'addaha samafalka ee caalamka in gacan ka geystaan caawinta dadka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu xusay in roobabka ay sababi karaan daadad, waxayna shacabka ku waanisay feejignaan dheeraad ah.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in heegan buuxa la geliyay dhamaan hay'addaha dowliga ah ee ku shaqadda leh ayna ka jawaabi doonan codsi walba oo kaga yimaada muwaadiniinta.

"...24-kii saac ee lasoo dhaafay tuulooyin gaaraya 25 waxaa fatahaad ku sameeyay Webiga Shabeelle oo biyo keenay kadib roobab da'ay," ayaa lagu yiri qoraalka oo GO uu helay.

Webiga Shabelle oo dhowaan ku fatahay magaaladda Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa galaaftay nolosha tobanaan iyo burbur maaliyadeed oo wali dadka qaarkii aysan kasoo kaban.

Saynisyahanada ka faalooda arrimaha saadaasha hawada ayaa odorasay in meelo ay kamid tahay Soomaaliya ee bariga Afrika dhaca ay kusoo fool leeyihii duufaano xoogan.

Khuburadda ayaa ku booriyey dhamaan dadka ku nool degaanadda ku teedsan xeebaha ay ka fogaadaan guryaha isla markaana kalluumeysatadda kasoo baxaan baddaha.

Isbedelka cilimadda aduunka [Climate change] ayaa waxaa loo aaneynayaa roobabka iyo fatahaadaha oo sanadihii u dambeeyay kusoo noqnoqdey qaar kamid ah wadamada Geeska Afrika.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaarada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM