Soomaaliya oo ka hadashay xayiraadda hubka ee UN-ka kordhiyey

Image

WASHINGTON, US – Qaramadda Midoobay ayaa todobaadkan waxay muddo kordhin u sameysay xayiraadda dhanka hubka iyo ka ganacsiga dhuxusha ee saaran Soomaaliya, oo ah waddanka leh xeebta ugu dheer ee qaaradda Afrika.

Dowladda Ingiriiska ayaa soo diyaarisay qaraarka kaasoo cod u qaaday Golaha Ammaanka ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Ruushka, Shiinaha iyo Equatorial Guinea ayaa ka aamusay qaraarka, waxaana u coddeeyay dalalka kale ee golaha tirsan oo wadar ahaan 15 ah.

Qaraarka ayaa cambaarenaya khatar ay kooxdu ku tahay ammaanka, xasiloonida iyo nabad-gelyadda gobolka, iyadda oo adeegsaneysa qaraxyo.

Muddo kordhintaan ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii Guddiga Khubarada Soomaaliya ee UN-ka shaaciyey in ururku sameysto qaraxyadda.

Dhinaca kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadashay cusbooneysiinta cunaqabateyta ayaa waxay sheegtay "in ay qoomameysay in aan la tixgelin walaaca iyo wada ogolaanshiyaha qaraarka".

Abuubar Daahir Cusmaan, ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, oo ku nuux-saday in dowladdu ka codsatay golaha in la qaado xayiraadda, ayaa ku sifeeyay xubnaha "kuwa gaboobay" iyo "kuwa daciif ah".

Mr Cusmaan oo tilmaamay in goluhu ku guuldareystay in uu xisaabta ku darsado "rajadda Soomaalida ee xaqiiqadda ku nool" ayaa sheegay in siyaasadda xukuumadiisu tahay dib u dhigiska iyo qalabeynta askarta.

Danjiraha ayaa wuxuu ku dhaleeceeyay dalalka xubinta ka ah Golaha in aysan bixin "astaamaha" keeni kara in la qaado cunaqabateynta.

Muddo kordhinta cusub ee xayiraadda dhanka hubka ee saaran Soomaaliya, oo ah dal halgan ugu jira kasoo kabashada burburkii ku dhacay in ka badan 30-sano kahor, ayaa ku ek 15-ka bisha November ee sanadka soo aadan 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM