Soomaaliya oo ku biirtey dalal cambaareeyay gudbida Qur'aanka

Image
Wadamadan ayaa mooshin u gudbiyey hay'adda UN-ka u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee UNHCR.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda (UNHRC) ayaa ansixisay qaraar lagu cambaareynayo naceybka diimaha ee ka dhashay qur’aanka lagu gubay dalka Sweden kaasoo sababay dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan dunida Muslimka.

UNHRC waa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka. Qadiyaddan waxay si weyn u hareysay kulamadii ugu dambeeyay ee xubnaha hay'adda ay yeesheen.

Mooshinkan ayaa la meelmariyay Arbacada maanta ah, balse waxaa kasoo horjeestay Mareykanka iyo Midowga Yurub oo sheegay inuu kasoo horjeedo mowqifkooda ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda hadalka.

Soomaaliya iyo dalalka kale ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa dood degdeg ah kaka yeeshay hay’adda xuquuqul-insaanka ee Qaramada Midoobay dhacdadii bishii hore ka dhacday bannaanka hore ee Masjidka weyn ee Stockholm taas oo galooti ciraaqi ah ugu xadgudbay qur’aanka kariimka ah maalintii koowaad ee Ciidda Carafo.

Qaraarka ayaa ugu baaqay dalalka inay qaadaan tillaabooyin ay kaga hortagayaan oo ay dacwad ku oogayaan dadka sameeya falalka nacaybka diimeedka ee ka dhigan hurin kicinta takoorka, cadaawadda ama rabshadaha.

Sweden ayaa cambaareysay gubista qur’aanka kariimka ah, balse waxay ku adkaysanaysaa in dalku leeyahay xuquuq uu dastuurku ilaalinayo oo ah xoriyadda isu imaatinka, hadalka iyo mudaaharaadka.

Mooshinka ayaa si lamid ah waxa uu soo jeedinayaa in dalalku ay dib u eegaan sharciyadooda oo ay daboolaan daldaloolada laga yaabo in ay "carqaladeynayaan kahortagga iyo dacwad ku oogida falalka iyo u doodista nacaybka diimeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM