Soomaaliya oo martigalisay maalgashato ajnabi ah

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa magaalada Muqdisho waxa uu kaga qayb galay munaasabad ay Dowladda Soomaaliya ku martiqaadday maalgashadeyaal shisheeye.

Munaasabaddan waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayna ka soo qayb galeen madax ka socdey hay'adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah Danjireyaasha iyo maalgashadeyaasha shisheeye ee ku sugan Muqdisho.

Kulankan waxaa looga hadlay sidii Soomaaliya loogu soo jiidi lahaa maalgashiyo caalammi ah, looga na faa'iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo munaasabadda khudbad ka jeediyey, ayaa tilmaamay fursadaha maalgashi ee ka jira Dalka iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay hesho maalgashi shisheeye.

Cabdisaciid Muuse ayaa hoosta ka xarriigay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan soojiidashada maalgashadeyaasha shisheeye.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa ay dadaal weyn ku bixinaysaa isku xirka hay'adaha gudaha iyo kuwa dibadda si loo soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, loogu na soo jiido Soomaaliya maalgashi shisheeye oo dheeraad ah," ayui yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM