Soomaaliya oo muddo shan casho "ku dishay" 179 Al-Shabaab ah

Image
Hase ahaatee, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashooyinka dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Sabtidii shaacisay dilka ku dhawaad ​​100 maleyshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab kadib howlgal ka dhacay deegaan dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe.

Arbacada asbuucii hore, saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa wariyey in tuulada Buulo Madiino ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku khaarijiyeen in ka badan 49 ka tirsan Al-Shabaab.

Jimcada todobaadkii hore, warbaahinta dowladda ayaa daabacdey in 15 kamid ahaa Al-Shabaab "lagu naf-gooyay" howlgal ka dhacay isla degaanka Buulo Madiino ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Isla Jimcihii, Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka dhowaan lala wareegay ee Qaayib ee dhaca bartamaha gobolka Galgaduud.

Kooxdan iyo saraaiil ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyey in iska horimaad culus uu halkaas ka dhacay. Balse, dowladda waxay warisay in ay iska caabisay weerarkaas ayna "burburisay saddex qarax gaari".

Weerarkan dhacay waqtiga aroornimadda ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 dagaalameyaal, sidda ay ku warantay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga, wallow aysan kala caddeyn haddii ay Shabaab ahaayeen.

Al-Shabaab iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolkaasi ku sugan ayaa labaduba waxa ay sheegeen in ay khasaarooyin kala duwan gaarsiiyeen dhinaca kale.

Wadarta dhamaan, xubnaha Al-Shabaab ee dowladdu shaacisay in ay dishay mudadii u dhaxeysay 23-ka November illaa 26-ka November ayaa dhan 179 xubnood. Balse, ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta tirooyinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM