Soomaaliya oo qaadacdey xukun ay ku riday maxkamad Kenyan ah
NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa Dowladda Soomaaliya ku xukuntay in ay siiso shirkadda Kingsley Construction Limited lacag dhan 23 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 206,748 USD, kadib markii ay isku qabsadeen qandaraas dib u dayactir ah oo lagu sameeyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Qunsulka Safaaradda Xabiib Maxamed Cigaal, ayaa ka horyimid go’aanka Maxkamadda, isagoo ku eedeeyay Hay’adaha Garsoorka inay si buuxda uga hadlin eedeymaha loo jeediyay Safaaradda.
Cigaal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka maxkamadda, isagoo ku dooday in safaaradda ay xukunka uu soo gaarey markii warbaahinta laga sheegay.
Waxa kale oo uu ku dooday in aanu jirin heshiis af ama qoraal ah oo lala galay Kingsley Construction, isaga oo soo jeedinaya in kiisku ku dhisan yahay been abuur.
Dacwadan oo ay soo saartay Kingley Construction 2019, ayaa sheegtay in Safaaradda Soomaaliya ay jabisay qandaraaska iyadoo ka hor istaagtay shaqaalaha inay galaan goobta mashruuca, ayna ka baxday lacag dhan 23.4 milyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 210,192 USD.
Shirkadda oo laga leeyahay waddanka Kenya ayaa ku dooday in si xaq darro ah looga saaray qandaraaska dib u cusboonaysiinta, taasoo dhalisay muran sharci.
Safaaradda Soomaaliya ayaa dib u dayactir lagu sameeyay sanadka 2020-ka, waxaana tan iyo markii dib loo furay safaaradda uu daahfuray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.
Iyadoo ay taasi jirto, ayaa waxaa sii socday dacwadda, taasoo keentay in dhawaan Maxkamaddu ay xukun ku riddo, kaasoo dhigaya in Dowladda Soomaaliya ay bixiso lacagta lagu muransan yahay ee Kingsley Construction.
Sanadka 2020-ka waxaa la go’aamiyay in safaaradaha aan lagu dacweyn karin magaca dowladahooda sida uu qabo qodobka 22-aad ee heshiiska Vienna, balse dacwadan waxaa lagu dacweyn karaa dowladda federaalka Soomaaliya.
Xukunkii soo baxay bishii hore ayaa xaqiijinaya in dawladaha lagu dacwayn karo macaamil ganacsi oo caadi ah, taas oo meesha ka saaraysa difaacida xasaanadda madaxbanaanida xaaladahan oo kale.
GAROWE ONLINE