Soomaaliya oo qarka u saaran in lagala noqdo maamulka hawada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta hay'adda duulista Soomaaliya ayaa shaaciyey in dalka uu "khatar" ugu jiro in lagala noqdo maamulka hawada oo si rasmi ah uu ula wareegay December, 2017-kii.

Axmed Macalin Xasan, gudoomiyaha Hay'adda Duulista Rayidka, ayaa sababta ku sheegay in aysan helin Sharciga Duulista Soomaaliya.

Golaha Shacabka ayaa xeerkan ansixiyey 5-tii Janaayo, 2020, waxaana haatan uu horyaalaa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka.

Kahor inta aan maamulka hawada loo wareejin Muqdisho 27-sano kadib, xafiis ay Qaramada Midoobay ka hirgelisay Nairobi, caasimada Kenya, ayaa laga maamuli jiray hawada Soomaaliya.

"Maamulka hawada Soomaaliya oo aan lasoo wareegnay sharcigiisii ma haysano, aduunka wax sharci la'aan la haysano karo ma jiro, khatar ayuu ugu jiraa in gacanta [UN-ka] uu u noqdo," ayuu yiri.

Xasan oo ka dalbaday Aqalka Sare in uu meelmariyo xeerka ayaa sheegay in sharciga uu kordhinayo dakhliga kasoo xarooda hawada oo hadda gaaraya 22 milyan oo Doolar ayna gaari doonto 50 milyan.

Sidda uu fahansan yahay Garowe Online, dowladda ayaa heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Mareykanka in ay ka caawiso dhismaha sharcigan iyo arrimaha kale ee dib loogu dhisayo hay'adda.

Khubaro ka socda shirkada ayaa dhowaan lagu soo dhaweeyay Muqdisho, waxaana ay ujeedkoodu yahay in ay dardargeliyaan howlaha tayeynta hay'adda Duulista Rayidka ee Soomaaliyeed.

"Shuruuda koowaad ee nagu xiran waa in aan sharcigii hor-dhigno, hadii aanan haynin sharci aan hordhigno dib ayay dib ayay u laabanayaan [khuburada], garoomada Soomaaliyana ma helayaan shahaado".

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in maamulka hawada dalka u adeegsatay "hub siyaasadeed" oo ay ku caburiso siyaasiyiinta ka aragtida duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM

Ismari-waaga Siyaasadeed oo Halis Geliyay Rajadii Dowladda ee Taageerada Caalamiga ah iyo Ajandaha Amniga

Midda koowaad ayaa ahayd inay sare u qaaddo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 07:50PM