​Soomaaliya: Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa caawa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarabuunka, ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro geestay.

Goob-joogiyaal ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, oo ay sheegeen inuu ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay, taasi oo lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda.

Qaraxa oo jugtiisa meelo fog laga maqlay, ayaa waxaa la sheegay inuu bur-bur xoggan gaarsiiyay Gaari nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano, oo ay  saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Imaaraadka uu tababaray.

Ciidamada dowladda, ayaa xiray wadada, xilli mashquul badan uu ka jiray wax yar kadib qaraxa, waxayna meesha ka jiideen Gaariga ay waxyeellada soo gaarey.

Saraakiisha maamulka degmada Hodon, oo ah halka uu qaraxa ka dhacay caawa, kama aysan hadlin weerarka, balse illo madax-banaan ayaa xaqiijnaya in ugu yaraan saddex Askari ay ku dhaawacmeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse weerarada noocan ah, ayaa inta badan waxaa gaysta Al shabaab, oo dagaal mudo ku dhaw 10 sano kula jirto dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM