Soomaaliya: Rag dilay Oday dhaqameed oo lagu qabtey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof, oo looga shakisan yahay inay dileen mid kamid ah Ergadii dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in raggan oo gaaraya saddex, ay ku qabteen howlgal gaar ah, oo ka dhacay magaalada, iyagoo wata gaari uu lahaa marxuum Cabdi Nuunow, oo habeenkii Isniinka lagu dilay duleedka Muqdisho.

Allah ha u naxariistee marxuum Cabdi Nuunow, waxaa toogtay rag hubaysan, oo u galay wadada isagoo marayay Deegaanka Xaawo Cabdi, kana yimid magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada lasooo qabtey ayaa watey Gaari Odayga la dilay, oo nooca SPACIO, kaasi oo hadda ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab oo inta badan beegsata Odayaashii soo xulay Xildhibaanada, ayaa looga shakisan yahay inay ka dambaysay dilka Cabdi Nuunow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo wajahaysa xiisad siyaasadeed iyo mid amni iyadoo ciidamada Midowga Afrika isu diyaarinayaan bixitaan

Buundooyin muhiim ah oo ku dhow degmada Buurhakaba, kuwaas oo ku yaalla waddada isku xirta magaaladaas iyo Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-11-2026

  • 08:40PM

Puntland oo xareysay ciidamo uu Mareykanku ku tababari doono saldhigga Boosaaso

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah iskaashiga amni ee labada dhinac, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta awoodda ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    02-11-2026

  • 09:04AM