Soomaaliya: Shabaab oo Miinooyin ku aasay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ayaa qarxiyay miinooyin lagu aasay wadada hormarta xerada Arbacow ee ku taalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysey aasidda Miinooyinkan si ay ula beegsato ciidamada taga xerada, oo ah mid kamid ah lix saldhig oo ATMIS ku wareejisay dhawaan CXD.

Saraakiisha amniga ayaa GO u xaqiijiyey in Ciidamada Qalabka Sida ay ku baxeen goobtaasi, si ay uga soo saaraan Miinooyinka iyaga oo isla goobtii ku qarxiyey, waxaana taas ka dhashay in jugta qaraxa laga maqlo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen Saraakiisha ka tirsan laamaha ammaanka, qaraxyadaasi ma jiraan wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay, halka Dowladdu aysan weli soo bandhigin xog rasmi ah.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay xaalad amni xumo, kadib markii Al-Shabaab ay u suuragashay in weeraro soo noq-noqda ay ku qaadaan xerada Arbacow.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka iyagoo hubysan, markii ay weerareen maalmo ka hor, iyagoo calankooda ka taagay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM